FB_IMG_1538927605644.jpg

Garoowe oo Tababar loogu soi xiray shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland(Sawirro)

Wasaaradda Maaliyadda DPL ayaa u soo gababeysay Tababarka shaqaalaha Wasaradda Maaliyadda gaar ahaan Waaxda Cashuuraha Berriga, tababarkan oo ah mid ku saleysam barnaamujka Computerized ah oo FMIS qaybtiisa Dakhliga (Tax Payer Identifier Number).

Tababarka waxaa soo xiray kuxigeenka Agaasimaha guud ee Dakhliga Mudane Xasan Cali Samatar, wuxuu u mahad celiyey Khabiirkii Bixinayey Tababarka Mr. Basel Alshistawi, Waaxda Tababarada oo so oqaban qaabisay, Shaqaalaha FMIS-ka iyo Xiriirayaha PFMka iyo dhamaan ardadii tababarka qaadatay.

Tababarkan waxaa maal gelinayey Bankiga Aduunka , Casharada waxaa bixinayey khabiirka Magiciisa la yiraahdo Basel Albishtawi oo ah ninka sameeyey barnaamujka FMIS-ka (FMIS Developer).

Tababarkan waxaa ka soo qayb galay shaqaale tiradoodu dhan tahay 25 qof oo ka kala socda Gobolada Bari, Nugaal, Karkaar, Mudug, Sool, Sanaag iyo Gardafuu, wuxuuna socon doonaa mudo 2 maalmood ah.

Ugu danbeyntii waxaa la gudoon siiyey shaqaalihii tababarka qaatay shahaado.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland