2733A817-5687-485E-9CB5-DD084752C85C.jpg

Garoowe: Tababar loo qabtay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland(Sawirro)

Tababarkan ayaa loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland kana hawlgala Gobolada ay xarumaha ku leedahay Wasaaraddu.

Daahfurkii tababarkan waxaa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,Agaasimaha Guuud ee Wasaaradda C/risaaq Maxamed Xasan,Agaasimaha waxaada Miisaaniyada Cabdismad Cawad Cismaan.iyo Agaasimaha waaxda tababarada C/qaadir Cali Ismaaciil.

shaqaalahan Wasaaradda Maaliyadda ayaa tiro haan dhan 22 shaqaale ah waxana ay ka kala tirsan yihiin

1. Waaxda Miisaaniyada
2. Waaxda Xisaabaadka
3. Waaxda Dakhliga

Agaasimaha waxaada Miisaaniyada Cabdismad Cawad Cismaan ayaa sheegay in shaqaalaha lasoo xulay in ay yihiin shaqaalaha sida rasmiga ah hawlaha shaqo uwada korna loo qaadi doono aqoon tooda.

Agaasimaha Guuud ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdirisaaq Xasan Maxamed ayaa ku dheeraaday isbadalada kaladuwan ee ay soomartay Wasaaraddu waxana uu shaqaalaha ku dhiiri galiyay in ay aqoontooda kor qaadan.

Wasiirka ku xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa shaqaalaha Wasaaradda usheegay in loobahanyahay in ay shaqaalahu wakhti badan galiyaan aqoontan barashadeeda si dadka iyo Dawladu uga faa idaysaan.

Tababarkan ayaa socon doona shan cisho waxana maal galinaaya Xafiiska RSRF dhqalahana ka helaya world Bank.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland