172A454B-3AED-487B-8BA9-7D9A5A01B913.jpg

Garoowe: Tababar loo soo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland(Sawirro)

Shaqaalaha Tababarkan loo soo xiray ayaa ka tirsan Waaxyaha ay ka mid yihiin, Miisaaniyada,Dakhliga iyo Xisaabaadka waxana ay mudo shan cisho ah qaadanaayeen casharo la xiriiray saadaalinta Miisaaniyada.

Soo afmeeridii tababarkan waxaa ka soo qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Maamulka Wasaaradda Cismaan Buux cali, Agaasimaha waxaada tababarada C/qaadir Cali Ismaaciil iyo C/qaadir Axmed xashi xiriiriyaaha wold bank.

Shaqaalaha Tababarkan loo sooxiray ayaa ka yimi Xarumaha Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Gobolada Puntland.

Masuuliyiintii ka qayb gashay soo afmeerida tababarkan ayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ku wacyigaliyay casharada ay baranayeen shant cisho in ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Wasaaraddana ku tababaraan.

Shaqaalaha loo xiray tababarkan ayaa lagudoon siiyay shahaadoyin cadayn uh barashada casharadii kala duwanaa ee ay qaateen.

Ma ahan Tababarkii ugu horeeyay ee loo qabto shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland si kor loogu qaado aqoontooda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland