29594540_210346763032621_1385927276775744787_n.jpg

Garoowe: Tababar loo soo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay April 2, 2018, lagu soo gabagabeeyey hoolka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe tababar mudo 3 maalmood ah ka socday shaqaale ka tirsan Wasaaradda.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa sidii shaqaalaha Xisaabaadka ee Wasaaradda Maaliyadu u isticmaali lahaayeen warbixinada nidaamka Computerized ah ee FMIS, sida warbixinada kharashaadka,Dakhliga,Miisaaniyadda kuwaasoo ay heli karaan maalinle, asbuucle,bile iyo sanadle.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo u guurtay nidaamkan casriga ah ee FMIS waxaa markasta lagu sameeyaa horumarin joogto ah.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe oo tababarka soo xiray ayaa la dardaarmay shaqaalaga dhameystay tababarka,waxaana hadaladiisii kamid ahaa

…” Waxaan idiikaga mahad celinayaa dhamaan xisaabiyayaasha kasoo safray gobolada ee yimid Garoowe si aad uga faaiideysataan tababarkan, waxaa laydinka rabaa in aad aqoonta laydin baray ku dabaqdaan shaqadiina oo aysan noqon mid halkaan looga tago isla markaana aad sii bartaan shaqaalaha kale ee idinka maqan saminaarkuna waa inoo xiran yahay..”ayuu yiri Mudane Carshe

Ugu dambeyn,Wasiirka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey dhamaan shaqaalaha kasoo qayb galay tababarka.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com