DUBAI-dalka Isutaga Emaraatka Carabta waxaa aqoon kororsi la xiriira nidaamka fududaynta badeecadaha ku tagay Saraakiil ka tirsan waaxda furdooyinka Dowladda Puntland.

 
DUBAI-dalka Isutaga Emaraatka Carabta waxaa aqoon kororsi la xiriira nidaamka fududaynta badeecadaha ku tagay Saraakiil ka tirsan waaxda furdooyinka Dowladda Puntland.
Saraakiishan waxaa hoggaaminaayey Maamulaha furdadda Boosaaso Mudane Maxamed Yusuf Maxamed, safarka ayaa u jeedkiisu ahaa sidii labada kastam ee Emaraatka iyo F,urdadda Bossaso ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay isku dhaafsiisan lahaayeen aqoon kororsi la xiriira hababka kala duwan ee fududaynta dajinta badeecadaha iyo kor u qaadista adeegga cashuuraha.
Shaqa hawleedkan ayaa waxaa fududeeyay Shirkadda maamusha Dekadda Bossaso ee DP world, Maamulaha furadda Bossaso ayaa booqday dekadaha Xamriya, Raashida, Marfa iyo dekadda caalamiga ah ee Jabel Cali.
Sidoo kale maamulaha iyo saraakiisha furdooyinka kale ee dekadda Bosasso ayaa la kulmay ganacsatada soomaaliyeed ee u soo dhoofiya soomaliya shixnadaha kala duwan, waxayna kala hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga u dhaxeeya Emaraatka iyo Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland