Garowe: Gunvor W. Skancke iyo Waftigiisa oo la kulmay Madaxda W/Maaliyadda DPL

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka Febraayo 2020 mgaalada Garoowe soo gaaray Gunvor W. Skancke oo ah Madaxa Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya iyo Kenya iyo Wafuud sare oo ka socday wadanka Norway ayaa ku timid Caasimada Garowe safar ay ku booqaneysey Puntland.

Ujeedka imaatinkeeda Puntland ayaa ahayd sidii ay uga wada hadli lahaayeen dhammaan barnaamijyada Mashaariicda horumarineed, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo Waxbarashada, iyo gaar ahaan barnaamijka Bangiga Adduunka (Wolrdbank), Recurrent Cost Reform Financing (RCRF) oo ay bixiyan mushaaraadka shaqaalaha waaxda waxbarashada iyada oo loo marayo howlaha dib-u-habeeynta.

Shirkan waxaa kasoo qaybgalay Madaxda Wasaarada Maaliyada iyo Bangiga DPL oo uu ugu horayo Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaarada Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee DPL, Agaasime Guud kuxigeenka Maamulka W/Maaliyadda, Agaasime Guud ku xigeenka Bangiga DPL, Shukri Warsame Madaxa Mashruuca RCRF –ka ee W/Maaliyadda, Abdikadir Hashi Madaxa Mashruuca PFM-ka W/Maaliyadda.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland