Golaha Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sannadka 2021(Sawirro)

GAROOWE – Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2021 oo dhan $341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar).

Fadhiga Golaha oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa Xildhibaannadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Miisaaniyadda.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cumar Xasan Fiqi ay Baarlamaanka horgeeyen Miisaaniyadda 2021-ka,ugu dambayna la ansixiyay.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland