Golaha Wasiiradda Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 ( Sawirro)

GAROOWE – Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland shir ay caawa yeesheen uuna shir- guddoomiyay Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland , ahna Madaxweyne KU-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037

Shirkan oo ka dhacay hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda hufnaanta maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19.

Miisaaniyadda aayaa waxaa ka muuqda koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, Golaha Wasiirada ayaa dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyadda Dowladda sanadka 2021-ka.

Wasiirku xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna siihayaha xilka Wasiirka Mudane Eng Cumar Xasan Fiqi ayaa halkaasi kasoo jeediyay khudbad dheer oo ku aadan diyaarinta Miisaaniyada.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku howlan hirgelinta qorshaha khasnada mideysan oo loo mudeeyay inay howlgasho sanadka 2021,  waxayna taasi qeyb ka tahay horumarinta hab maamulka maaliyadda.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021 taasi oo dhan $341,861,037 , waxaana si wayn isugu hawlay soo diyaarinteeda Waaxda Miisaaniyadda Wasaaradda iyo khuburo dhanka dhaqaalaha oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland