Gollaha Wakiiladda Puntland oo Ansixiyey Xisaab xirkii 2015 ay W/Maaliyadu u gudbisay (Sawirro)
Gollaha Wakiilada Puntland ayaa meel-mariyey xisaab xirkii sanadkii lasoo dhaafay 2015 ay dhawaan u gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Shiikh Axmed iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa goobjoog ahayd ansixinta Xisaab xirka.
Gollahana ,waxaa goobjoog ahaa 50 mudane ,iyadoona uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenadiisa.
Gollaha ayaa dood dheer ka yeeshay xisaab xirka 2015 iyagoona su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ,wuxuuna Wasiirku ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay mudanayaashu
weydiiyeen.
Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa gollaha usoo jeediyey in cod gacan taag ah loo qaado Xisaab xirka sanadka 2015 taasoo uu golluhu ku ansixiyey cod gaaraya 34 walow aamus iyo diidmo jirtay.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa xisaab xirkan sanadka 2015 horgeysay Gollaha ,waxaana khudbad dheer sharaxaad kaga bixiyey Wasiirka Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed.
Cabdisalan Fiyeera
Garowe,Puntland
mofpuntland@gmail.com