Odorska-Miisaaniyadda-2018.jpg

Gollaha Wasiiradda Dowladda Puntland oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2018-ka [Sawirro]

Gollaha Wasiiradda Puntland oo shir aan caadi ahayn ku yeeshay aqalka Madaxtooyada kaasoo uu shir Guddoominayey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu ansixiyey odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2018-ka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe,Wasiir kuxigeenka,Agaasimaha guud ee Wasaaradda oo goobjoog ahaa shirka ayaa lagu cadeeyey iney dhan tahay Miisaaniyadda dowladdu 92,713,364 milyan,waxaana laga saaray Miisaaniyadda lacago laga filayey in laga helo Hay’addaha UN-ka.

Gollaha wasiiradda dawladda Puntland ayaa u gudbiyey golaha wakiilada dawladda Puntland ansixinta Misaaniyadda dawladda Puntland ee sanada 2018, si loo dhaqangeliyo loona ansixiyo miisaaniyadda sanadka 2018ka ee dalka.

Odoroska Miisaaniyadda 2018ka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa la horgayn doonaa gollaha barlamaanka Puntland.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com