IMG_5113

Gollaha Xukuumada Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyada sannadka 2016 ay gudbisay Wasaaradda Maaliyadda

IMG_5113Gaalkacyo – Gollaha Xukuumada ee Dowladda Puntland oo shir ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa ansixiyey miisaaniyadda Dowladda Puntland taasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Miisaaniyadda sannnadka 2016 ayaa isugu jirta korar miisaaniyadeed iyo odoros qiyaaseed sugan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa gollaha u cadeeyey in miisaaniyadan tahay mid la jaanqaadi karta habka caalamiga ah.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa xustay iney tahay miisaaniyadu mid lagu kalsoonaan karo ,iyadoona xustay in ay ka fileyso Bangiga adduunka in uu qayb ka qaato Mushaaraadka Shaqaalaha dalka sannadka 2016-ka.

Waaxda Warbaahinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com