8D3BC8A4-E6CE-40C7-8A88-5D7BA7EFA8A2.jpg

Gollaha Xukuumadda Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka[Sawirro]

GAROOWE – Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020 oo dhan $346,416,158.99.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ugu horreyn faah-faahin dheer oo ku saabsan miisaaniyadan cusub kasoo jeediyey madasha.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa si kooban uga hadlay muhiimada Miisaaniyadda iyo waxa ay  uga duwan tahay miisaaniyadihii hore, 

Wuxuuna tilmaamay in miisaaniyadan lagu saleeyey baahiyaha asaasiga ah iyo sida ay u kala mudan yihiin iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad dibadeed oo la heli karo.

Miisaaniyada sanadkan waxaa si aada uga muuqda dhaqaale ay Dawlada Puntland u qoondaysay horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garoowe-Bosaaso,  sidoo kale waxaa kamida ah dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo kor u qaadista Amniga.

Waxa xusid mudan in mudadii ay taladda haysay Dawlada Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inay si toosa u bixisay xaquuqda Shaqaalaha iyo Ciidamada Dawlada, waxaana dadaalkaas muujiyey Wasiirka Wasaaradaa Maaliyada Mudane Xasan Shire Cabdi, Madaxda kale ee wasaarada iyo dhamaan shaqaalaha qaybahooda kala duwan oo ay ka go’an tahay ilaalinta ku dhaqanka Miisaaniyada.

Kullankan miisaaniyadda lagu horgeeyey gollaha Xukuumadda waxaa goobjoog ahaa, Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha guud, agaasimaha waaxda miisaaniyada iyo saraakiishii wasaradda ee kasoo shaqaysay diyaarinta miisaaniyadda cusub.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland