img_8671

Gollaha Xukuumadda Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Puntland 2017 [Sawirro]

img_8671Golaha Wasiiradda Dowlada Puntland ayaa maanta meel mariyay miisaaniyadda dowlada sanadka 2017 oo in muddo ah howsheedu soo socotay, taas oo sanadkan u diyaarsan qaab ka duwan sida sanadkii hore.

Qaabka diyaarinta miisaaniyada sanadkan aya waxay tahay mid ka duwan sanadkii hore,waxaana si gaar ah loo diyaariyay Dakhliga iyo Kharashka Dowladda.(Ordinary Budget) iyo misaaniyado kale ( Extra Ordinay Budget) waxaana guud ahaan faah faahinta Dakhliga iyo Kharashka ay ku xiran tahay Miisaaniyadda gudaha ee Wasaradda Maaliyadda.

img_3697Sidoo kale Misaaniyadda Dowlada Waxaa ka Mid ah Curaro loo qabto Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Dowlada la shaqeeya,waxaana shiraddaaasi ka mid ah,Al-Fatxi-DBB,PIITECH,VIVACOM,waxaana sidoo kale Curaaraha ay Wasaaraddu qabato ka mid ah Wadada Ceel Daahir Ceergaabo.

Guud ahaan qodobada ugu muhiimsan ee miisaaniyadda Dowlada soo saartay waxay yijiin kuwa si dhab ah u hirgelinaya sanadka cusub 2017ka waxaana lagu hagaajin doona barnaamijka loo yaqaano (FMIS) Finance Management Iformation System.

img_3704Sanadkan Dakhliga iyo Kharashka Misaaniyadda Wasaaradda Maaliyada waxaa lagu soo daray Gobolada Gardafu, Sanaag iyo Hayland,kuwaasi oo aan horay uga jirin Misaaniyadda  Dowladda Sanadkii hore.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay soo gudbisay Caqabado ka hor yimid Wasaaradda Dowlada eek u aadan soo Aruurinta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Caqabadaha ay soo gudbisay Wasaaradda ayaa waxaa ka mid ah.

1. Hay;adaha Dowlada oo aan si wada jir ah uga qeyb qaadan Dakhliga Aruurinta Wasaaradda.2- Ciidamada Ilaalinta Canshuuraha oo u baahan in la tayeeyo sida tababar qalabeyn I-W-M3-Canshuuraha Berriga oo la rabo in ay saldhig u noqoto Dakhliga Dowladda,oo la kulma Caqabaddo Markasta oo la isku dayo hirgelintooda,waxaana sidoo kale jira caqabado Kharashka oo ay ka mid yihiin.
4. Kororka tirade Ciidamada iyo shaqaalaha.
5. Kororka Gunooyinka Joogtooyinka ah.
6. Kharashka Howlgalada iyo Agabka Ciidamada.
7. la Dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish
8. Marti gelinada iyo Kharashaadka Arimaha Siyaasadda.
9. Kharashyada Safarada Dibeda iyo Gudaha.

Iyadoo ay Arimahaasi ay jiraan ayaa hadana Waxaaraddu Maaliyaddau waxay sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii ay ugu dhaqmi lahayd Miisaaniyadda 2017ka,iyadoo ay hirgelineyso Barnaamijka cusub ee FMIS oo laga filayo in uu gacan lixaad leh ka gaystay ku dhaqanka miisaaniyadda.

Ansixinta Miisaaniyadda Dowlada 2017 ayaa ku soo beegmaysa iyadoo nuqulo ka mid ah  Misaaniyadda Dowladda loo gudbiyaya Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradda iyadoo isla maanta ay golaha Xukuumada Misaniyada Dowlada Meel mariyeen.

Dhawaan ayaa sidoo kale la filayaa in xubnaha Wakiiladda DOwlada loo gudbiyo  Dakhliga Wasaaradda Dowlada si ay u meel mariyaan oo ay codka kalsooniada ugu qaadaan.

img_3655 img_3677 img_3681 img_3692 img_3693 img_3694 img_3698 img_3701

Maxamuud Cabdisalaan
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda
Garoowe