IMG_5335.jpg

Guddiga Farsamada Barnaamijka PFM ee Wasaaradda Maaliyadda oo kulan ku yeeshay magaalada Garoowe(Sawirro)

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 13 Apr. 17 lagu qabtay magaalada Garowe gaar ahaan Hotel Juba shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan gudiga farsamo ee Hogaamiya mashruuca PFM (Technical steering committee meeting), waxaa kasoo qayb galay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Hantidhowrka guud, Bankiga Dhexe ee Dowladda iyo Lataliyayaasha Bankiga Aduunka.

Ugu horeyn waxaa shiray furka isla markaana sheegay Ujeedada shirka Wasiir kuxigeenka Maaliyadda mudane Axmed Yaasiin Saalax, Isagoo sheegay ‘ Shirkani waa shir Bile ah ujeedadiisa ugu weyni waa in lagu kala warqaato loogana wada hadlo waxyaabihii qabsoomay iyo caqabdihii lala kulmay sidii lagu xalin lahaa .

Intaa kadib waxaa warbixino kala duwan (Persenations) soo jeediyey Agaasimaha guud ee C/Berriga Cali Jaamac Gaashaan oo ka hadlay shirkadaha imanaya oo kala shaqeyn doona kicinta iyo dardargelinta cashuuraha; Cismaan Buux Cali oo ka hadlay barnaamujka mideynta kastamada oo ay wado Dowladda Somalia Puntlandna tahay xubin muhiim ah iyo shirkadii uu kaga qayb galay Dalka Kenya.

Waxaa kale oo warbixino soo bandhigay Kooxda PFMISka oo ka hadashay Hirgelinta Barnaamujka Computeredka ah ee loo yaqaan (Puntland Financial Management Information System ‘PFMIS’), meesha loo socdo, caqabahada haysta iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaa kale oo warbixin dheer soo jeediyey Abdulkadir Axmed Xaashi oo ah Xiriiryaha Barnaamujka PFM (PFM Coordinator).

Ugu danebeyntii waxaa shirka soo gaba gabeeyey Wasiir kuxigeenka Maaliyaddda Axmed Yaasiin Saalax oo kula dardaarmay in la dardargeliyo shaqada la hayo isla markaana sheegay in wax laga qaban doono caqabado badan oo jira kuna saabsan barnaamujka PFM iyo FMISka.

Waaxda Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda 

Puntland.