Guddiga Mideynta iyo Kala xadeynta Cashuuraha oo ku kulmay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa maanta shir isugu yimid Gudigga uu Madaxwaynaha Puntland u magaacabay midaynta cashuuraha iyo kala xaddaynta cashuuraha Dawladda hoose iyo dawladda dhaxe.

Shirkan waxaa kasoo qaybgalay xubno ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaasha dagmooyinka qaybtood.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii looga wada hadli lahaa nidaaminta cashuuraha Dawaladaha hoose iyo Dawladda dhaxe. 

Gudigga ayaa soo bandhigay arrimaha ay uga baahan yihiin in ay soo gudbiyaan Dawladaha deegaanku si loo dhamaystiro warbixin ramsi ah oo loo gudbin doono Madawaxynaha Dawladda Puntland.

Shirkan ayaa ugu dambeyn kusoo idlaaday Isfahan isla markaasna lugu heshiiyay in ay soo gudbiyaan xogaha cashuuraha ee ay qaadan.

Xafiisaka Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda

Dawladda Puntland