Guddiga Xalinta Lacagta Shilling Soomaaliga oo kulan la qaatay Ganacsatada Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Gudigga Xalint lacagta Shilling Soomaaliga suuqyada Puntland ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Shirkadaha iyo Sariflayaasha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kulankan waxaa Guddiga ku weheliyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga,Wasiirka Dekedeha, Guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa degmada, Guddoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Guddiga oo dhowaan ka yimi caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan intii uu socday ayaa looga wada hadlay qiima dhaca Shilling Soomaaliga iyo habkii ay ganacsatadu u fulin lahayd go’aamadii Dowladda.

Is-xog waraysi iyo dood muddo dheer socotay kadib ayaa loo balamay kulamo kale oo ku aadan in si wadjir ah looga shaqeeyo in la qabto lacagta Shilling Soomaaliga ah.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland