Khabiirka Hanti-dhowrka Gudaha W/Maaliyadda oo ka warbixiyay shaqooyin uu soo qabtay(Sawirro)

GAROOWE – Khabiirka Xafiiska Hanti-dhawrka gudaha Wasaaradda Maaliyadda Puntlanf Cabdalla Amiiri ayaa xarunta Wasaaradda ku soo bandhigay qiimayn uu ka sameeyay xafiisyada hanti-dhawrka gudaha iyo shaqaalaha ka hawlgala ee gobolada Bari,Karkaar iyo Nugaal.

Kulakan uu khabiir Cabdalla ku soo bandhigaayay xogta waxaa kasoo qaybgalay Xisaabiye kuxigeen Dawladda Cali jaamac Gaashaan,Agaasimaha Qorshaynta iyo Tababarada Cabdulqaadir Cali Ismaaciil,Xiriiriyaha Barnaamijka PFM Cabdulqaadir Axmed Xaashi, Madaxa Hanti-dhawrka gudaha Wasaaradda Maaliyad Puntland Axmed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Khabiir Cabdalla ayaa madaxda xog dheeraad ah ka siiyay safaradii ay waftiga uu hoggaaminayay ku tageen gobolada Bari iyo Karkaar iyo baahiyaha ka jira.

Khabiir Cabdalla ayaa sheegay in ay muhiim tahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira Xafiisyada ayna usoo gudbiyeen madaxda uu la kulmay si loo helo hannaan shaqo oo wanagsan.

Baahintii 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dowladda Puntland