Ku-simaha Agaaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo shir ku qabtay xarunta Wasaaradda ee Garowe(Sawirro)

GAROOWE – Ku-simaha Agaasime Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Keenadiid Cali Jaamac ayaa shir la qaatay madaxda Wasaaradda iyo khabiir sare.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Agaasime ku-xigeenka dakhliga Abshir Maxamed Abshir, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Cabdifitaax Cali Jaamac, Agaasimaha Furdooyinka Qambi, Agaasimaha Tababarada iyo khabiir sare ka socday Bangiga Adduunka.

Ujeedada shirka ayaa ahaa sidii ay isu baran lahaayeen Madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo khabiirka ka socday Bangiga adduunka.

Xiriiriyaha Barnaamijka PFM Cabdiqaadir Axmed Xaashi oo la hadlay Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in shirku uu ahaa is-barasho , khabiirkana ay tahay in madaxda is-bartaan maadaama uu mid walba ay wada qaadan doonaan, isagoo kala shaqeyn doona shaqada socota iyo tallo bixin.

“Wuxuu fiirinayaa qaab-dhismeedka Wasaaradda oo dhan dhammaan qaybaheeda waa wayn sida Xisaabaadka,Dakhliga iyo Maamulka. Wuxuu kaloo fiirin doonaa Agaasimayaasha ,ku-xigeenada ,madax qaybeedyada iyadoo la eegi doono mid walba mas’uuliyadda shaqo ee u hayo isaga oo qeexaya , tallana ka bixinaya…” ayuu yiri

Sidoo kale wuxuu sheegay in Bangiga dowladda Puntland uu kala shaqeyn doono qaab dhismeedka shaqo, shaqaalaha heerarkooda kala duwan, mas’uuliyadaha ay hayaan. Isagoona tallooyin ka bixin doona qaabka ugu wanaagsan ee shaqada lagu horumarin karo.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa codsatay khabiirkan, waxa dhanka dhaqaalaha ka taageeraya Bangiga adduunka, isagoona tallo bixin ka siin doono Wasaaradda nidaamka maamul ay dunidu ku shaqeyso ee dhanka Maaliyadda.

Baahintii


Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland