Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Hay’adda Iibka iyo Qandaraasyadda[Sawirro]

GAROOWE – Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasime kuxigeenka guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Cali Jaamac(Keenadiid) ayaa kulan la qaatay hay’adda iibka iyo qandaraasyadda.

Kulanka waxa ku weheliyay Mudane Keenadiid, Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo matalayay Guddiga hawlaha guud ganacsiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo Qandaraasyadda ee Golaha Wakiiladda Puntland iyo La-taliye sare oo ka socday dhanka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Saciid Cabdullaahi Deni.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa tallo soo jeedin sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan waxqabadka hay’adda iibka iyo qandaraasyadda.

Gabagabadii kulanka ayaa kusoo dhammaaday guul waxaana dhinacyada ka qayb gashay kulanka ay soo gudbiyeen tallooyin kor loogu qaadayo shaqada hay’adda iibka iyo qandaraasyadda.

Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland