Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qayb galay Tababar u socday Shaqaalaha dowladda(Sawirro)

GAROOWE – Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa maanta ka qeyb galay Tababar u socday Shaqaalaha Wasaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dowladda Puntland.

Tababarka ayaa ku saabsanaa horumarinta,kor-u-qaadida iyo qiimaynta howl gudashada shaqaalaha (Performance appraisal form).

Tabarkan oo socda maalintii labaad, waxaa goob-joog ah Madaxa Mashuuraca PFM-ka Mudane Cabdiqaadir Xaashi,Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil,HR Senior Maxamud Cabdilahi Qarjab.

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo kuwa Bangiga, waxaa tababarka siinayaye khabiirka Climent Opera oo soo jeediyay Presentation ku saabsan qiimaynta waxqabadka shaqaalaha,qorshayasha loo baahan yahay in la raaco iyo dhiirigalinta shaqaalaha.

Waxaa xusid mudan in dhammaan madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay ku suurta gali lahayd in la helo shaqaale tayo iyo waxqabad leh.

Baahintii

Xafiiska wacyigalinta iyo Warfaafinta.
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland.