Kulan Aqoon Is-weydaarsi ah oo lagu qabtay Wasaaradda Maaliyadda Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan is-dhaafsi aqooneed uu ku dhaxmaray Wafdi ka socda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo xubnaha oo isugu jira Agaasime iyo la-taliyeye sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxwynaha DKG.

Wafdiga ayaa Garoowe kaga qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed, kaasoo  la isku weydaarsanayo khibradaha shaqo iyo habka maamul ee Hay’addaha Dowladda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga Mudane Abshir Mohamed Abshir, Agaasimaha Miisaaniyadda , Agaasimaha Cashuurha Berriga iyo Agaasimaha Furdooyinka iyo qaar kamid ah hawlwadeenadda Wasaaradda Maaliyadda, dhanka kale ayaa waxaa ka socday Agaasimaha Dakhliga ee Konfurgalbeed Mudane Cabdillaahi Daahir Xuseen iyo Lataliyaha arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxwynaha KGS.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sameysay soo jeedimo ku saabsan habka diyaarinta Miisaaniyadda, maddaxyada Miisaaniyadda iyo xog kaloo ku saabsan arrimaha dakhliga Guud ahaan, xubnaha ayaa waydiiyay mas’uuliyiinta su’aallo badan oo ay rabeen in ay macluumaad ka ogaadaan.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland.