ECE35A48-29D0-4BE9-BDAA-E48A26304999.jpg

Kulan lagu dardargelinayo Shaqooyinka W/Maaliyadda Puntland oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

 

Waxaa muddooyinkan ka socday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Dar-dargelinta iyo dib u habeynta dhinacyada kala duwan ee shaqada Maaliyadda iyo Maamulka sida hagaajinta xisaabaadka,kobcinta dakhliga iyo dib u habeynta hanaanka shaqada.

Maanta oo taariikhdu tahay 20.July.2019
waxaa lagu casumay dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dowladda xarunta Wasaaradda ee Garoowe,waxaana kasoo qaybgalay Wasiiru Dowlaha W/Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Mudane Faysal Cabdullahi Warsame, Xisaabiyaha Guud ee DPL Mudane Cumar Saalax Aadan, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Cabdisamad Cawad Cusmaan,Xisaabiye kuxigeenka DPL, Cali Jaamac gaashaan iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa looga hadlay dhinacyo kala duwan sida dar-dargelinta isticmaalka habka maareynta Xogta Maaliyadda (FMIS) si looga guuro nidaamkii hore ee gacanta loona guuro nidaamka computerized.

Madaxda Wasaaradda ayaa ku dhawaaqday in aan la aqbali Karin maanta wiixi ka danbeeya warqad kharash ama codsi aan systemka lagu soo codsan.

Wasiirku wuxuu u mahadceliyey Wasaaradahii ku guuleystay in ay dalabkooda ka soo codsadaan gobohooda shaqo.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland


Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland