DSC00497

Kulan looga hadlay Arrimaha FMIS-ka oo ka dhacay magaalada Boosaaso[Sawirro]

DSC00497Waxaa maanta ka dhacay xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed kulan looga hadlaayey arrimaha FMIS-ka,waxaana kulanka kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka maamulka W/Maaliyadda,Wasiir kuxigeenka dakhliga,Agaasimayaasha guud,Xisaabiyaha guud,maamulaha iyo khasnajiga Bangiga DPL iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee W/Maaliyadda.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo dar-dargelin laaha kudhaqanka iyo hirgelinta barnaamujka Computeriska ah ee PFMIS (Puntland Financial Managemnet System) ee loo yaqaan Habka Maareynta xogta Maaliyadda.

Waxaa madaxdu dhageysteen sida uu u shaqeynayo barnaamujku oo ay soo bandhigeen kooxda FMIS-ka, wasiirka iyo madaxda kalena aad ayey usoo dhaweeyeen waxayna qireen in uu wax tar u yahay nidaamka Maaliyadda Dalka waxna kaqaban doono beekhaaminta kharashka iyo kor u qaadista Dakhliga.

Ugu danebeynta waxaa shirka Soo xiray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda isagoo ku booriyey dhamaan qaybaha ka soo qayb galay in si dakhso ah loo hirgeliyo barnaamujka lagana guuro habkii hore ee Gacanta (Manual).

DSC00484 DSC00492 DSC00494 DSC00496 DSC00499 DSC00500 DSC00504 DSC00508 DSC00509

Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com