1-1.jpg

Kulan looga hadlay horumarinta Bangiyada Puntland oo lagu qabtay W/Maaliyadda Puntland [Sawirro]

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe shir ballaaran oo ahaa sidii loo dardagelina lahaa mashruuca Iskoor ,kaasoo kamid ah mashaariicda Bangiga Adduunka la wado Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe oo shir guddoomiyaya shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Bangiyada Puntland,Guddoomiye Kuxigeenka Bangiyada,Agaasimaha guud ee Madaxtootada Puntland,Xisaabiyaha guud,Agaasime Kuxigeenka Maamulka W/Maaliyadda iyo Xiriiriyaha Mashruuca Iskoor.

Xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Siciid Nuur oo ka hadlay ujeedada shirka markii uu soo dhammaaday ayaa sheegay in uu ahaa sidii lagu dardargelin lahaa mashruuca Iskoor,kaasoo ah in dhinacyo badan laga taageero Bangiyada Puntland.

….” Ujeedadiisu waxay ahayd in la dardargeliyo mashruuca la yiraahdo Iskoor oo kamid ah mashaariicda uu Bangiga adduunku la wado Puntland ,waa mashruuc faa’ido badan Puntland u leh…”ayuu yiri Mudane Cabdirisaaq Siciid Nuur.

Muadane Cabdirisaaq ayaa sheegay in Bangiyada Puntland laga taageerayo dhinacyo badan oo ay kamid tahay khuburada iyo siyaasadaha iyo arrimo kale.

..” Ujeedooyinkiisana ay kamid tahay Horumarinta Bangiyada Puntland iyadoo dhinacyo badan laga taageerayo dhinaca khuburada iyo siyaasadaha iyo arrimo kale,waxayna ahayd in hadda ka hor Puntland ka hirgalo laakiin caqabado ku yimid si loo dardargeliyo dhakhsana loogu hirgeliyo ujeedooyinkii laga lahaana laga gaaro ayey madaxdaasi isugu timid..”ayuu yiri

Hoos ka daawo Sawirrada shirka

Xafiiska Wacyigelinta iyo Saxaafadda

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com