1630F59F-DA93-4274-A7DE-CF6D78DD129D.jpg

Kulan looga hadlay Qorshaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlaayay Qorshaha Wasaaradda oo ah Qorshe lix biloodle ah, kaasoo loogu talagalay in lagu wada xisaabtamp Waaxyaha wixii u qorsheysnaa iyo wax u qabsoomay Waax kasta.

Shirkan waxaa Guddoomiyay Agaasimaha Guud ee W.Maaliyadda H.E Faysal Cabdullahi Warsame, isagoo ka dhagaystay Warbixin Agaasimaha Waaxda Qorsheynta oo soo aruuriyey Qorshaha Lixda Waaxood ee kala ah Waaxda Maamulka, Waaxda Miisaaniyadda, Waaxda Qorsheynta iyo tababarada, Waaxda Cashuuraha Berriga iyo Waaxda Deeqaha Dibada.

Waxaa laysku raacay in qorshaha la dejiyey Lixda Bilood June-December 2019 uu sidiisa ku shaqeeyo laguna ansixiyey. waxaana lagu dhawaaqay in lagu wada Xisabtami doono fulinta qorshaha.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland