Madax ka socota Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo Tababar uga furmay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Mas’uuliyiin ka socda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tabarbar uga furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda qaybta Hanti-dhowrka gudaha ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubaland, Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle ayaa loo qabaty Tabarbarkan.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa daah-furay tababarka, waxana ka soo qayb galay Madaxa mashruca PFM Cabdulqaadir Xaashi iyo Agaasimaha Waaxda tababarada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Qaybta Hanti Dhawrka Gudaha ( Internal Audit) ayaa shaqoodu tahay in ay saxaan dhammaan hawlaha Wasaaradu qabato in loo maray shuruucda iyo habraacyada degsan, sida Xisaabaadka, ku dhaqanka miisaaniyadda, qandaraasyada, shaqo qorista, dakhliga, iyo kharash bixinta.

Madaxa mashruca PFM Cabdulqaadir Xaashi ayaa sheegay in farxada ugu wayn ay tahay in tababarkan ay ku dhan yihiin Dowlad-goboleedyada dalka, waxana uu sheegay in casharada ay qaataan uga faa’ideeyaan xarumihii ay ka yimaadeen.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa Madaxda Baarista gudaha Dowlad Goboleedda kula dar-daarmay in ay wakhti dheeri ah ku bixiyaan tababarkan, waxaana uu ku adkeeyay in ay kala faa’idaystaan.

Tababarkan waxaa bixinaya macalimiin aqoon durugsan u leh sida loo ogaado qaladaadka dhanka xisaabaadka, waxana maal gelinaaya Bangiga adduunka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland