CA2C24DB-0154-4C65-AF5F-431C37BB3F85.jpg

Madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo kormeer shaqo ku tagey gobolka Gardafuu(Sawirro)

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Gardafuu ayaa kormeer shaqo ku maray qaybo kamid ah Degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.

Waftigan kormeerka shaqo ku tagay Degmooyin ka tirsan Gobolka Gardafuu waxa hoggaaminaayay
Xisaabiyaha Gobolka Maxamed Axmed Jeeg,waxaana ku weheliyay Maamulaha Cashuuraha barriga Cumar Jaamac , Maamulaha Kastamka Cawil Maxamed iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Masuuliyiintan Degmoooyinka ay kormeerka shaqo ku tageen waxaa kamid ahaa degmada Caluula ee caasimada Golbolka Gardafuu,Baargaal,Taageer iyo tuulooyin hoos yimaada Degmooyinkaas.

Xisaabiyaha Gobolka Maxamed Axmed Jeeg iyo Masuuliyiinta kale ayaa kulan laqaatay madaxda Degmooyinka ay kormeerka shaqo ku tageen,waxana ay kala hadleen dardargalinta Cashuuraha.

Intii uu socday kormeerka shaqo waxaa Masuuliyiintan Wasaaradda Maaliyaddu la kulan la qaateen Ganacsatada Gobolka,waxana ay ku wacyigaliyeen bixinta Cashuuraha si Dawladduna waxqabad u samayso.

Ganacsatada Gobolka ayaa dhankooda u ballan qaaday madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay kala shaqayn doonaan bixinta Cashuuraha horayna ay u bixin jireen.

Masuuliyiintan ayaa Degmada Baargaal waxa ay ka bilaabeen ololaha Cashuuraha Gaadiidka iyaga oo gacan ka helaaya Duqa Degmada Abokor Axmed Yuusuf iyo Taliyaha Degmada Muumin Abshir.

Gobolka Gardafuu waxaa si weyn uga socda hanaanka qaadista Cashuuraha qayba qeybaheeda kala duwan, Bulshada Gobolkuna waxa ay u heelan yihiin lashaqaynta Dawladda iyo bixinta Cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa horay ushaaciyay in ay dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan kor uqaadida iyo soo xeraynta dakhliga Dalka.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland