E9B69DAB-A157-4399-A588-3D16B669A877.jpg

Madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo DFS oo xariga ka jaray dowladda hoose ee Gaalkacyo(Sawirro)

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya , Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda iyo Wasiirku Xigeenka Arimaha Gudaha Puntland ayaa xariga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee Dawladda Hoose ee degmada Gaalkacyo.

Dhismahan dhaqaalaha ku baxay ayaa waxa bixiyey Bangiga Adduunka oo soo mariyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Mashruucaan ayaa ah mid mid lagu horumarinayo Xarumaha Dowladaha hoose Degmooyinka Gobalada dalka Soomaaliya ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray,

Munaasabadan ayaa waxa goobjoog ahaa guddomiye kuxigeenka gobolka Mudug ,kuxigeenka Duqa degmada Gaalkacyo iyo saraakiil kale.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Federaalka Soomaaliya C/laahi shiikh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in uu mashruucaani qeyb ka yahay horumarinta dalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed C/qaadir ayaa u mahadceliyay Bagiga Adduunka,dowladda Federaalka iyo Masuuliyiinta kale,waxana uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay dhankeeda door weyn ka qaadato horumarka Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland