IMG_0390.jpg

Madaxda Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo hortagay Baarlamaanka[Sawirro]

Mudane Cabdiqaadir Siciid Carshe

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Mudane Cabdiqaadir Siciid Carshe oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan,Wasiir kuxigeenka dakhliga Maxamuud Jibriil Cateeye iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa maan hor tagay Gollaha Wakiiladda Puntland si mas’uuliyiintaan loo siiyo Xasaanadda.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Dhaqaaje ayaa ka horjeediyay Baarlamanka Puntland warbixin ku saabsan taariikh nololeedkiisa.

Wuxuu ka balanqaaday baarlamanka inuu wada shaqeyn dhaw la yeelanayo, Isagoona ka codsaday inay siiyaan codka xasaanada si uu fursad ugu helo gudashada waajibaadka loo igmaday.

Mudane Wasiir Cabdulqaadir Siciid Dhaqaaje ayaa horey uga soo mid noqday Xildhibaaanada Puntland, Wuxuuna noqonayaa masuulkii ugu horeeyay oo xilal kala duwan kasoo qabtay laamaha Dowlada Puntland oo markii ugu horeysay loo soo magacaabo hogaaminta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Garoowe