IMG_1766.jpg

Madaxda Laba Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26/10/2017 kormeer indha indheyn ah ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku leedahay magaalada Garowe Madaxda labada aqal ee Baarlamaanka Dowlada Federalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Puntland iyo Madaxda Baarlamanka Soomaaliya ayaa mid mid u dul istaagay hawlaha shaqo ee ka socda dhamaan xafiisyadda Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxda ayaa kormeer ku sameeyay hawlaha shaqo ee wasaaradda xilli ay goobtaas ka socotay shaqo maalmoodka joogtada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland u hayso dadka iyo dalkaba, Waxayna aakhirkii madaxda kulan la qaateen masuuliyiinta Wasaaradda sida Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulaahi Caarshe,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cabdisalaan Bashiir, Agaasimaha guud iyo Xoghayaha guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac (Jawle).

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Siciid Caarshe ayaa u sheegay Madaxda Baarlamaanka Somaaliya in wasaaradiisu ka shaqeyso difaaca dalka,bixinta kharashaadka Dowladda,Fududeynta hawlaha mashaariicda ka socda deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo Gudoomiyaha Aqalka sarre ee Baarlamanka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku amaanay Madaxda Wasaaradda iyo Guud ahaan-ba Puntland siday u socoto shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyo Qaab dhismeedkeeda.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com