F36C9266-ABCA-4E4F-BEA8-D8F31FC375D9.jpg

Madaxda Maaliyadda gobolka Nugaal oo bilaabay diiwaangelinta Meheradaha ganacsi ee gobolka Nugaal[Sawirro]

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal ayaa wada Diwaangalinta Foomka meheradaha ganacsi iyo qabasha gaadiidka aan Cashuurta bixin.

Foomka diwaangelinta goobaha ganacsi ayaa noqon doona mid si buuxda loo taabagelin doono,waxaana ku hawlan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo ku jira diwaangelinta.

Maamulaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal Cabdiwahaab Faarax Cali ayaa uga warbixiyay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

….”” Magaaladu waa balaaratay si loo oggaado goobaha ganacsi ,waxaanu samaynay Foom lagu oggaanayo goobta Gacnacsi, inta maalintii soo gasha, iyo shaqaalaha ka hawlgala wana mid shaqadeedu socoto..””ayuu yiri

Maamulaha ayaa sheegay in ay jiraan dhibaato dhanka magaca ah oo ka dhex jirta Ganacsatada ku sugan caasimada.

..”” Waxaa jira dhibaatooyin dhanka magaca ah oo ay ka mid yihiin meherado badan iyo shirkado isku magac ah Foomkuna waxa uu xal unoqon doonaan Cashuur bixiyaha hore iyo kan dame ee ku soo biiray”ayuu yiri.

Sidoo kale Maamulaha ayaa ka hadlay in ay wadaan hawlgalo lagu soo qabanayo Gaadiidka aan Cashuurta bixin.

..”” Sidaad ogtihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi waxa uu horay u shaaciyay ololaha Cashuuraha Gaadiidka anaga oo ka duulayna taasi ilaa iyo hada waxaa socda ololaha Cashuuraha Gaadiidka waana socon doonaa insha alaah”ayuu yiri

Maamulaha Cashuuraha ayaa ganacsatada Gobolka Nugaal ka codsaday in ay soo dhoweeyaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee wada Foomka Cadaynta ganacsiga si horumar looga gaadho.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland