IMG_4084

Madaxda Maaliyadda Iyo Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo la kulmay Madaxweynaha Puntland(Sawirro)

IMG_4084Wafdi heer caalami ah oo ka socda Bankiga aduunka iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda DPL ayaa maantay oo taariikhdu tahay 27-March-2017 kulan kula qaatay Madaxweynaha DPL Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kulankaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada DPL.

Ujeedada kulankan ayaa ah sidii Madaxda Bankiga Aduunka iyo Wasaaradda Maaliyaddu ay warbixin guud uga siin lahaayeen Madaxweynaha meesha ay marayaan dhammaan mashaariicda kala duwan ee ka socda dalka gaar ahaan mashaariicda  PFM(Public Financial Management) iyo RCRF oo ay Wasaaradda maaliyaddu hormuud ka tahay.

IMG_4106Ugu horeyn waxaa warbixin kooban ka bixiyey guud ahaan hawlaha socda Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Yaasiin Saalax, waxaa kale oo warbixino akhriyey Madaxda Wasaaradda sida Wasiir kuxigeenka Dakhliga Maxamed Siciid Caateeye, Agaasimaha guud ee C/Berriga Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Xisaabiyaha guud ee DPL C/risaaq Saciid Nuur, qodobada ay madaxdu aad uga hadleen waxaa ka mid ahaa :

  • Shirkadaha caalamiga ah (Consulting firms) oo wasaaradda ka caawin doona kor u qaadista Dakhliga, Beekhaaminta kharashka, hagaajinta Miisaaniyada tababarida iyo tayeynta shaqaalaha Wasaaradda.

Dhinaca kale waxaa warbixin kooban oo ku saabsan guud ahaan mashruuca PFM ka hadlay C/qaadir Axmed Xaashi oo ah Xiriiriyaha mashruuca PFM, isagoo sheegay in ay meel fiican u marayo mashruuca PFM, waxyaabaha u qabsoomay waxaa ka mid ahaa :-

  • Heshiisyada ay la galeen shirkadaha caalamiga oo aka shaqeyn doona hagaajinta nidaamka dhaqaalaha dalka (PFM)
  • Shaqaaleynta lataliyayaal khibrad sare leh
  • Hirgelinta nidaamka PFMIS

Waxaa kale oo uu Madaxda PFMIS Faysal Cabdulaahi Warsame soo bandhigay  hirgelinta Barnaamujka PFMIS oo ah nidaamka computered ah kaasoo maareynaya xogta Dowladda sida xereynta Dahkliga, Bixinta kharashka, Diiwangelinta shaqaalaha, bixinta mushaharaadka, diiwaan gelinta hantida ma guurtada ah iyo soo bandhigida warbixino caalami ah.

Barnaamujkaas oo hada wajigiisii koowaad uu si fiican u shaqeeyo.

 Ugu danebeyntii waxaa soo xiray kulanka Madaxweynaha DPL Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku dhiiri gelin Wasaaradda Maaliyadda in ay dar-dargeliso hawlaha socda.

unnamed

IMG_4082 IMG_4084 IMG_4086 IMG_4088 IMG_4092 IMG_4097 IMG_4109 IMG_4112 IMG_4114 IMG_4115

Maxamuud Cabdisalaam

Waaxda Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Puntland-Somalia