Madaxda Maaliyadda Puntlnd iyo Guddiga Dhaqaaha Iyo Xisaabaadka Baarlamaanka oo ku kulmay Garowe(Sawirro)

GAROOWE. – Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiilladda DPL ay kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey miisaaniyadda 2021 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen. Masuuliyiinta iyo hawldeenada Wasaarada ee la kulmay gudiga waxaa hogaaminaayey Wasiir ku-xigeenka Wasaarada maaliyada Cabdi Ibraahim Warsame  (Qawdhan)

Xafiiska wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Puntland