GAROWE: DDG Abshir Mohamed Abshir has met with Nugal Regional managers for Revenue

Xaflada xilwareejinta waxaa ka soo qayb galay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Gudiga xilwareejinta, oo uu hogaqminayo xeer ilaaayaha guud ee Dowladda, Xubno ka tirsan golaha Wasiirada, golaha Baarlaamka iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.
Dr Maxamed Cabdi Cilmi Agaasimihii hore ayaa xilka ku wareejiyey Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jawle.
Cumar Saalax Aadan Xisaabiyihii hore ayaa xilka ku wareejiyey Xisaabiyaha Cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil.
Keenadid Cali Jaamac Agaasime Ku-xeenka Guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa xilkii ku wareejiyey Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal Agaasime Ku-xeenka Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda.
Abshir Maxamed Abshir AgaasimKu-xeenka Guud ee Dakhlig aayaa xilkii ku wareejiyey Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi Agaasime Ku-xeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.
Mas’uuliyiintii hore oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay xilka ku wareejiyaan Madaxda loo soo magacaabay ilaahayna u fududeeyo xilka loo igmaday.
Madaxda cusub ee xilka la wareegtay ayaa sheegay in ay wax wayn ka qaban doonaan xilka loo igmaday bulshaduna ka codsaday in ay u soo duceeyaan in ilaahay ufudeeyo.
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo soo xiray munaasabadaasi ayaa sheegay in xilku yahay meerto Madaxda cusubna laga sugaayo shaqooyin badan.
Fiiro gaaar ah-Khudbadaha Madaxda mardhow filo
Baahintii
Xaafiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.