IMG_1233.jpg

Madaxda W/Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan kula qaatay Garoowe Shirkadda UNICOM(Sawirro)

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay September 6, 2017 kulan dhexmaray Shirkada caalamiga ah ee UNICOM iyo W/Maaliyadda, kulankaasoo ay shirkadu kusoo bandhigeysay shaqaddii ay ka qabteen Barnaamijka Habka Maareynta Xogta Maaliyadda (FMIS) Kulanka, Waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka W/Maaliyadda,Wasiirkuxigeenka W/Maaliyadda, Agaasimayaasha guud ee W/Maaliyadda,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, Lataliyayaasha Bankiga Aduunkaiyo ,Kooxda FMISka ee Dowladda iyo Xisaabiyaha guud.

Barnaamujkan wuxuu ka mid yahay Hagaajinta Nidaakma Maaliyadda Dalka (Public Financial Management reform), oo uu maalgelinayo Bankiga aduunka waxaana Dowladda kala shaqeynaya Shirkado kala duwan oo ay ka mid tahay Shirkada caalamiga ah ee UNICOM;

Waxaa kale oo socda Barnaajyo kale oo muhiim ah oo ay shirkadu kala shaqeyneyso Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda sida

  • Habeynta iyo ku dhaqanka Miisaaniyadda (treasury management and budget execution)
  • Xisaabaadka iyo warbixinaha dhaqaalaha ( Accounting and Financial reporting)
  • Habka Maareynta Xogta Maaliyadda (PL-Financial Management information system).
  • Kor u qaadista Dakhliga, Qorshaha iyo Diyaarinta Miisaaniyadda (Revenue mobilization, Planning and Budget preparation).

Kulanka maata waxaa Daahfuray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Saciid Carshe ,isagoo sheegay in Wasaaradu hirgelisay Barnaamujka FMISka kaasoo wax weyn ka tahay ku dhaqanka Miisaaniyadda iyo Hagaajinta nidaamka Maaliyadda ayna ka go’antahay Dowladda Puntland in ay Hagaajiso Nidaamkeeda Maaliyadda dalka.

Ugu danbeyntii falanqeyn iyo wadahadal dheer kadib,waxaa shirkasoo xiray WasiirkaMaaliyadda ,uguna mahadceliyey shirkada UNICOM iyo hawlaha ay kala shaqeysay Wasaaradda Maaliyadda.

Xafiiska Wacyigelinta Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Magaalada Garoowe

Maxamuud Cabdillaan