C7F24F1A-CA86-4CBA-8F91-968CE02FB3C0.jpg

Madaxda W/Maaliyadda iyo Madaxda Bangiga oo si wadajir ah u saxiixay mashruuc lagu horumarinayo Bangiga[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Madaxda Bangiga ee dowladda ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruuc lagu horumarinayo Bangiga dowladda Puntland.

Kulankan waxaa shir Gudoominayay Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ,waxana ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Bangiga Maxamed Faarax,Xisaabiyaha guud ee Dawladda Cumar Saalax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdulaahi Warsame, Maamulaha shirkada fulin doonta Cali NacNac iyo mas’uuliyiin kale.

Kulan ay wada yeesheen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Madaxda Bangiga iyo shirkada qaban doonta aaladan lagu casriyay doono ayaa lagu qabtay Bangiga Dawladda ee caasimada Puntland ee Garoowe.

Shirkada ku guulaysatay samaynta aaladan ayaa hirgalin doonta in dhamaan lacagaha Dawladdu ay ku soo dhacaan Bangiga kana baxaan lagana guuro habkii hore.

Waxaa lagu guulystay tijaabadii ugu horaysay oo ah in shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Mushaharkooda loogu diray dhamaan shaqaalaha iyo Ciidamada loogu diri doono. 

Barnaamijkan waxaa si wadajir ah u saxiixay Xisaabiyaha guud ee Dawladda Cumar Salaax, Gudoomiyaha Bangiga Maxamed Faarax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdulaahi iyo Cali NacNac oo kasocda shirkada qaabil san tayda Bangiga.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland