1ACDC997-6B2B-4D06-A078-3C0B629DD04C.jpg

Madaxda W/Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxda W/Waxbarashada iyo Shaqada & Shaqaalaha(Sawirro)

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa la kulmay madaxda,Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo Wasaaradda Wax barashada.

Kulankaan ayaa ka dhacay Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha waxana uu ahaa kulan sadax geesood ah loogana hadlay wax yaabo badan

Intii kulan kaasi socday ayaa diirada lagu saaray shaqaalaha Dawladda ee faraha diwaangalinta laga qaaday ay noqon doonaan shaqaalaha rasmiga ah mushaharkoodana ay helidoonaan.

Madaxda sadexda Wasaaradood ayaa sidoo kale ka hadlay Arimaha Macalimiinta oo qayb ka ah shaqaalaha Dawladda Puntland aydoo gudi loo saaray dhanka macalimiinta soona xaqiijin doona.

Kulankaan ayaa ahaa mid ay sooqaban qaabiyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda si loo ogaado shaqaalaha iyo macalimiinta xuquuqdoodana u heli lahaa yeen.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland