2302D584-1270-4E56-A9A1-E6231C29050C.jpg

Madaxda W/Maaliyadda oo Shahaado sharaf siiyay Shaqaalaha ugu dadaalka badan Dekeda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda baaritaan dheer kadib waxa ay shaaciyeen shaqaalaha ugu dadaalka badan dhanka shaqada ee ka hawl gala Dekeda Boosaaso.

Shaqaalahan ayaa lagu casumay kulan si loo gudoonsiiyo shahaado sharaf taasi oo u noqon doonta dhiirigalin iyo in ay shaqaalaha kale ku daydaan shaqo wanaagooda.

Maamulaha Furdooyinka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in shaqaalahan ay soo xuleen ay yihiin shaqaalaha ugu dadaalka badan dhanka shaqada.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland uu hormuudka u yahay Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa shahaado sharaf gudoon siiyay shaqaalahan Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawlgala Dekeda Boosaaso. 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland