BCCB261D-E98C-4371-8261-9A9A6E1EE1C0.jpg

Madaxda W/Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Adduunka oo kulan kale ku yeeshay Garoowe(Sawirro)

Maanta oo taariikhdu tahay Abril 2 2019 waxaa kormeer ku maray Wufuud ka socotay Bangiga adduunka oo ay hoggaaminaysay haweeneyda u qaabisan Mashaariicda Dowladdaha Bariga Africa Nicola Smithers (Nicola Smithers, World Bank Practice Manager for Governance Global Practice , East Africa).

Xarumaha ay booqatay waxaa kamid ah Wasaaradda Waxbarashada oo Bankiga Aduunku ka caawiyo Kabista Mushaharaadka Macallimiinta Iskuulada, waxaana hawlwadeenada Wasaaradu u soo bandhigeen habka loo diiwaan geliyo macalimiinta iyo guud ahaanba waxbarashadda dalka.

Waxaa kale oo waftigu booqday Bangiga Dhexe ee Garoowe,halkaas oo ay kula kulmeen Madaxda Bangiga, iyagoo ka codsaday in Bangiga  Loo casriyeeyo maadaama uu hadda yahay nidaam gacanta looga shaqeeyo (manual) marka laga reebo nidaamka FMIS-ka oo qaybo kamid ah ka caawiya.

Waftigu wuxuu kale oo booqday Qaybta Maamusha Deeqada Dibadda (EAFS),halkaas oo ay kula kulmeen shaqaalaha xafiiska.

Sidoo kale waftigu waxay booqdeen Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha PL oo Bankigu ka caawiyo arimaha diiwaan gelinta shaqaalaha, iyadoo lagu booriyey in shaqaalaha Dowladda in lagu soo shubo nidaamka FMIS xarumahaas si loo helo daahfurnaan.

kaddib kormeerka waftiga ayaa kulan la qaatay Wasiiru Dowladda Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqadir Cismaan, wuxuuna kala hadlay in Bangigu sii xoojiyo Taageerada Dowladda Puntland sida kicinta Cashuuraha iyo Kabista Miisaaniyadda,

Ugu danbeyn Waftiga ayaa waxay ku soo gabagabeeyeen kormeerkooda Madaxtooyada Dowladda,waxayna halkaas kula kulmeen Madaxweyne kuxigeenka DPL Mudane Axmed Cimi Karaash oo ay arrimo badan ka wadahadleen iyo sidii loo dar-dargelin lahaa mashaariida socda kuwa kalena loo heli lahaa.

Ugu danbeyn waftigu waxay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Gen. Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland