Madaxda W/Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka U gudbiyey Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2020-ka(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ahna Ku-simaha Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo ku-simaha Agaasimaha guud ahna Agaasime kuxigeenka ayaa Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland u gudbiyey Xsaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2020-ka.

Fadhiga 8aad ee Kalfadhiga 48aad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland oo ay soo xaadireen 44 mudane ayaa waxaa si waafaqsan qodobka 137aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, Xisaab-xirka Miisaaniyad-sanadeedka 2020-ka lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiilladda Puntland.

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Dowladda Puntland ayaa warbixin la xiriirta arrimaha xisaab-xirka 2020-ka ugu soo gudbiyaan Golaha Wakiiladda maalinta Sabtida 3-bisha Luulyo – 2021, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Intaas kadib ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahadceliyey sida ay u soo dhoweeyeen, wuxuuna ka codsaday meelmarinta Xisaab-xirkaan oo ahmiyad weyn u leh shaqada Wasaaradda iyo guud ahaan Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland