7083E82F-63DE-4614-815E-E26D6EB18E8D.jpg

Madaxda W/Maaliyadda Puntland oo Bilaabay Diiwaangelinta Shaqaalaha Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada diwaangalinta shaqaalaha rasmiga ah ee Wasaaradda kana howlgala gobolada Puntland.

Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Caasimada waxaa ka bilaamay diiwaangelinta Shaqaalihii maray tirakoobkii sanadkii 2017-ka.

Cabdifitaax Cali Jaamac Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa la hadlay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda. 

….”Waxaa la diiwaangelinaynaa  shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda ee maray tira koobkii 2017, 682 qof oo gobolada oo dhan ah waxa jira shaqale kale oo aan weli marin, waxaanu ku bilownay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Caasimada kutaal shaqaalaha ka  hawal gala waxan ku xijin doonaa insha alaah Gobolka Nugaal, gobolada kalena waan mari doonaa ayuu yiri Agaasimaha maamulka Wasaaradda Maaliyadda”

Cabdifitaax Cali Jaamac ayaa sidoo kale ka hadlay fursadaha diiwaangalinta shaqaalaha iyo helida mushaharkooda.

“Haa qof kasta oo shaqaalaha Wasaaradda ah waxaa loo sameeyay Acoon uu ku yeelanaayo Banggiga Dawladda mushahar kiisuna ugu dhici doono diwaan galintaani ma ahan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda balse dhamaan shaqaalaha Dawladdu waa marayaan”

Madaxda  Wasaaradda Maaliyadda ayaa horay u balan qaaday in ay horumar ka samayn doonaan Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland