Madaxda W/Maaliyadda Puntland oo kulan shaqo la yeeshay La-taliyayaasha Wasaaradda(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan isugu yeeray La-taliyayaasha ka hawlgala Wasaaradda gaar haan Mashruuca uu maalgeliyo Bangiga Adduunka ee PFM.

Kulankan waxaa shir gudoominaayay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi oo ay ku weheliyaan Agaasime guud ku xigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac iyo Agaasimaha dakhliga Abshir Maxamed Abshire 

Kulankan ayaa ahaa mid ku aadan  wax ka ogaanshaha shaqada mashruuca Barnaamijka PFM -ka.

Wasiirka ayaa ku amaanay khuburada shaqada ay u hayaan Bulshada. Wuxuuna ku booriyey in ay khibradooda shaqo iyo aqooneed uga faa’ideeyaan shaqaalaha. Sidoo kale ka qayb ahaadaan kobcinta dakhliga iyo kor u qaadida xirfada shaqaalaha Wasaaradda.

Cumar xasan Fiqi Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ayaa khuburada mashruuca u sheegay in ay dhawraan waqtigooda shaqo, Lagana sugayo in ay Wasaarada joogaan mudada ay shaqada ku jiraan.

Wuxuu ka codsaday in wixii caqabdo ah oo ka horyimaada la socodsiiyaan madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda.

Intii lagu guda jiray kulankaasi khuburada Wasaaraddu waxa ay soo gudbiyeen qorshahooda, wixii u qabsoomay iyo meesha ay hadda marayaan.

Baahintii 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland