F41DE3F2-9614-460C-B3DF-73199FC61811.jpg

Madaxda W/Maaliyadda Puntland oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland(Sawirro)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee booqashada ku tagey Xerada Ciidamada PMPF ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda,Wasiir  kuxigeenka Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud ee Dawladda,Agaasimaha guud ee Wasaaradda,iyo Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga.

Xerada Ciidamada PMPF waxaa Masuuliyiintan Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyay Madaxda Xerada Ciidamada PMPF oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud Ciidamada PMPF, Taliyaha Ciidamada PMPF iyo saraakiisha shisheeye ee Xeradaasi ku sugan.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Madaxda Ciidamada PMPF kala hadlay shirkadaha ay siiyaan Mashaariicda
in ay cashuurta usoo xareeyaan Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Madaxda Ciidamada PMPF ayaa dhankooda u ballan qaaday in ay Wasaaradda Maaliyadda dhanka Cashuuraha kala shaqayn doonaan.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa madaxda Ciidamada PMPF usoo jeediyay taalooyin ku aadan dhanka Ciidamada iyo Horumarintooda.

Sidoo kale kulankaasi intii uu socday ayaa looga wadahadlay wax ka qabashada kalluumeysiga sharci darrada ah iyo Tahriibka ka baxa dhinaca xeebaha Boosaaso.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland