Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda Galmudug iyo Puntland oo ku kulmay Galkayo…

GAALKACYO- Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdi Warsame Ibrahim Qawdhan oo ay weheliyaan Ku-xigeenka agaasimaha guud ee dakhliga Abshir Maxamed Abshir, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismacil C/nuur Geesey iyo masuuliyin kale ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Magalada Galkacyo kusoo dhaweeyey wafti kasocday Wasaaradda Maaliyadda Galmudug oo uu hogaaminayey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug .Wasiirku xigeenka Maaliyadda Galmudug Waxana kuweheliyey booqashadiisa Agaasimaha guud ee dakhliga Cumar Xasan Xaaji, Agaasimaha waaxda dakhliga C/Rashid Muuse Ibrahim’ Libaan C/qaadir aw aaden isuduwaha G/Mudug ee Galmudug,Masuuliyintan kala duwan ee Wasaaraddaha Maaliyadda ee Puntland iyo Galmudug ayaa kulan kooda looga wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin1- Iskaashi dhex mara Labada Wasaaradood 2- xoojinta xiriir ka labada Wasaaradood 3- is dhaafsiga caqabadaha iyo sii looga gudbi lahaa Kulan kaasi markii uu soo idlaaday ayaa masuuliyinta Galmudug lasoo dhexmariyey qeybo kamidaha Magalada Galkacyo ee Puntland,Baahintii Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland