22089919_2002783273289084_7270665405512474282_n.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo Bangiga dhexe kusoo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Jubbaland(Sawirro)

Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dawaladda Puntland Cabdi Salaam Bashiir Cabdi Salaam, Gudoomiye kuxigeenk Bangiga Maxamed Siciid Hogaamo,Xisaabiye ku xigeenka Guud ee Dawladda Puntland Xasan Cali ayaa Bangiga dhexe ee Dawladda Puntland ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda Jubaland C/rishiid Shire oo soo booqday Bangiga Dhexe ee Puntland.

Wasiirka Maaliyadd Jubaland intii uu ku sugnaa Bangiga Dhexe ee Dawladda Puntland waxa uu kulan la qaatay Wasiir kuxigeenka Maaliyada,Gudoomiye kuxigeenka Bangiga iyo masuuliyiin kale.

Mudadii uu kulanku socday Masuuliyiinta labada dhinac waxa lays dhaafsaday xogo kala duwan oo ku aadan hab raaca shaqo ee Bangiga.

Wasiirka Maaliyadda Jubaland C/rishiid Shire ayaa Masuuliyiinta Dawladda Puntland uga mahad celiyay sida ay ugu soo dhoweeyeen Bangiga xogo kala duwana uga siiyeen

Kormeer kadibna Wasiirka Maaliyadda Jubbaland ayaa ka amba baxay Garowe laguna saakootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

mofpuntland@gmail.com