FB_IMG_1544542703173.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo ka qeybgalay Tababar lagu qabtay xarunta Wasaaradda(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyaadda Dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka qaybgalay Tababar loo qabatay Agaasimayaasha Maamulka Wasaaraddaha Dawaladda Puntland.

Tababarkan ayaa ahaa mid ay Agaasimayaasha Wasaaraduhu ku baranaayeen Habka maaraynta Maaliyadaha,waana tabarkii labaad ee laqabto.

Madaxdii ka qaybgashay,waxaa ka mid ahaa Wasiirka W/Maaaliyada,Wasiir ku xigeenka W/Maaliayadda , Agaasimaha Guud,Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Wasiirudowlaha iyo madax kale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda ku wacyigaliyay in ay tababarkan ka faa idaystaan.

Tabarbarkan looqabtay Agaasimayaasha Wasaaraddaha,waxaa sidoo kale ka hadlay Agaasimaha Guud ee W/Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Dawladda Puntlnd.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland