A823F296-972B-4C6D-8AD0-5B68B54BC4CF.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo Warbixino ka dhageystay Xafiisyada Xisaabaadka,FMIS iyo dakhliga(Sawirro)

Tan iyo markii ay xilka la wareegeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland waxa ay wadeen kulamo ku aadan in ay xog dheeraad ah ka helaan waaax yaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi,Wasiirku Xigeenka Maamulka Cumar Xasan Fiqi,Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir,Wasiirku Xigeenka Dakhliga Yaasiin Ibrahim Ciise iyo Agaasimaha Guuud C/risaaq Maxamed Xasan ayaa war bixin ka dhagaystay Xafiisyada, Xisabiyaha Guud,FMS,iyo Dakhliga.

Xogtan ayaa hayd mid ku aadan soobandhigida 15 sano ee lasoo dhaafay sida ay ahayd Miisaaniyada Dalku wax yaabaha ku kordhay,sida ay isu dhinto halka lajoogo iyo halka la higsanaayo.

Dawladda Puntland Asaas aaskeedii Miisaaniyadu waxa ay ahayd Shilin Soomaali inksta oo hurumar badan laga sameeyay sanadihii dambe lana adeeg sado FMS ka kaasi oo wax wayn ka badalay habkii hore ee shaqada.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda Dawladda Puntland