CEF1A3AC-94FD-40AD-AA9A-F42F696DE8C9.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Waxbarashada oo kulan ku yeeshay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda Puntland iyo Waxbarshada ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay cashuurta ku waajibtay bahda Waxbarshada Puntland.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliydu ku leedahay Caasimada Puntland ee Garoowe, waxana shir gudoominaayay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.

Madaxda labada Wasaaradood ayaa kulankooda si qoto dheer uga wadahadlay dardargalinta Cashuuraha macalimiinta.

Kulankaasi markii uu soo idlaaday waxaa si wada jir ah Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda u la hadlay Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Maxamed C/qaadir iyo Wasiiru Dawlaha Waxbarshada C/laahi Xasan.

Mas’uuliyiintan yaa sheegay macalimiinta dawliga ah ay tiro ahaan dhan yihiin 2117 Macalin loona baahanyay in cashuurta ku waajibtay ay bixiyaan macalimiinta ka hawlgala goobaha waxbarshada ee gaarka loo leeyahy.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/426526817985630/

Madaxda labada dhinac ayaa sheegay in ay u saareen Guddi farsamo oo dhowaan hawshaasi kawada shaqayn doona.

Xafiiska Waciyigalita iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland