1P8A7385.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Xubno ka socday Bangiga Adduunka oo shir yeeshay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Garoowe shir ballaaran ku yeeshay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdullaahi Siciid Carshe iyo Xubno ka socday Bangiga Adduunka.

Madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya Mr. Hugh Riddell Iyo Madaxa Mashruuca PFM u qaabilsan Bangiga Adduunka Mr.Ikechi iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda sida Wasiirka Wasaaradda Cabdullaahi Siciid Carshe,Wasiir kuxigeenka Cabdisalaan,Wasiir dowlaha,Agaasimaha Guud ee Maamulka Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Xisaabiye Kuxigeenka Xasan Cali Dheere iyo xubnaha Wasaaradda ayaa shir muddo qaatay ku yeeshay xarunta Wasaaradda ee magaalada Garoowe.

Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdirisaaq Cabdirisaaq Maxamed Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirka iyo arrimaha ugu muhiimsan ee shirka looga wadahadlay.

….” Waxaa laga wadahadlay sidii loo dardargelin lahaa arrimaha PFM-ka ee dowladda Puntland,wadahadalka waxa kasoo baxay Is afgarad wanaagsan oo ah in labada dhinac ay dadaal muujiyeen sidii loo dardargelin lahaa arrimaha PFM-ka sida dakhliga,miisaaniyadda,maareynta maaliyadda FMIS,maamulka lacagta iyo warbixinada xisaabaadka..”ayuu yiri

Mudane Cabdiriaaq Maxamed Xasan ayaa shirka sidoo kale looga wadahadlay Barnaamijka FMIS-ka sida qeybaha uu ka kooban yahay,wuxuuna sheegay in la isla qaatay in howshu si wanaagsan u socoto.

…” Waxaa kaloo aan kaga wadahadalnay Barnaamijka FMIS-ka qeybaha uu ka kooban yahay in howshu sida ay tahay loo fuliyo,lana kala qaato wixii warbixin ah,howshuna ay si wanaagsan ku socoto…”ayuu yiri

Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdiriaaq Maxamed Xasan ayaa xusay in ay kawada hadleen in dabagal lagu sameeyo deeqaha ay Puntland ka hesho Bangiga Adduunka iyo dowladda Federaalka.

…” Waxaan kaloo kawada hadlay waxyaabaha deeqaha ah oo aan ku leenahay Beesha caalamka(International Community) ama dowladda Federaalka ah iyana waxaan isku afgaranay in arrimahaas aan ku sameyno dabagal hadey tahay World Bank ama hadey tahay dowladda Federaalka ama beesha caalamka la raadiyo dowladda Puntland waxay xaq u leedahay,arrimahaasna waxaa kasoo baxay Is afgarad wanaagsan..””ayuu yiri mar kale.

Ugu dambeyn shirka ayaa kusoo dhammaaday jawi is afgarad ,waxaana la isla qaatay in shaqooyinka socda dardargelin lagu sameeyo.

Waaxda Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland