712B91CD-76BA-4DC9-9193-5DF109753F2B.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyadda 2019(Sawirro)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee ka qayb galay gud binta Miisaaniyada waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud,Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada iyo masuuliyiinkale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaarood) ayaa Golaha Baarlamaanka usheegay in Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay Golaha horkeeneen Miisaaniyada 2019.

Wasiirka Maaaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa gollaha Baarlamaanka ka hor akhriyay Miisaaniyadda 2019 cadadkeeduna yahay $54,450,000,waana Miisaaniyadda dakhliga gudaha marka laga reebo Bangiga adduunka,UN iyo dowladaha hoose.

Isku darka wadarta Guud ee dakhliga dalka,UN iyo dowladaha hoose ayaa sagaalka bilood noqonaya $133,081,174

Sidoo kale Wasiirka ayaa Golaha Baarlamaanka xog dheeraad ah ka siiyay himilooyonka ay higsanayso Wasaaradda Maaliyaddu ee ku aadan kobcinta takhliga Dawladda Puntland.

Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa soo akhrin doona Miisaaniyada 2019 waxana lafilayaa Gudiga dhaqaalaha Golahu in ay su aalo dheeraad ah way diin doonaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda kadib na ansixindoonaan.

 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland